Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa si kooban uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug u heyso bulshada taas oo ay kamid tahay adeeg gaarsiinta Degmooyinkii dhawaan la xoreeyay ee Xarardheere iyo Ceeldheer. Agaasimaha ayaa xusay baahida loo qabo adeeg Caafimaad oo tayo leh oo aad u sareyso iyadoo degmooyinka ugu …
Category Archives: Uncategorized
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa Dhuusamareb kusoo dhaweysay wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaardda Caafimaadka mudane Daahir Faarax Fiidow, agasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxmamed Axmed iyo shaqaala weynaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa gagida diyaaradaha ee caasimadda Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda …
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa shir gudoomiyey shirka asbuuclaha ee Wasaaradda Caafimaadka
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa shir gudoomiyey shirka asbuuclaha ee Wasaaradda Caafimaadka. Kulanka uu shir gudoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug soona xaadireen shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa dib loogu qiimeyay howl qabadka isbuuclaha ah ee shaqaalaha sidookalena lagu wadaagay dhamaan howlaha ay wadaan waaxyaha kala duwan ee …
Shirka saddex biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan Wasiirdowlaha Wasaaradda iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, Shirka saddex biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug. Shirka oo socon doona mudo 3 maalmood ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa horumarada laga …
Continue reading “Shirka saddex biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug.”
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa kulamo la yeelatay Saraakiil sar sare oo ka socday hay’adda qaramada midoobay oo socdaal shaqo ku yimid Caasimadda Galmudug ee Dhusamareb
Xubno ka tirsan madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo uu horkacaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr.Yaasin Cabdi Jaamac ayaa kulamo gaar ah la yeeshay hay’adaha UNICEF iyo IOM kuwaas oo kamid ah hay’adaha mudada dheer Soomaaliya ka kaabaayey dhinacya badan oo ay ugu horeeyan bixinta adeegga iyo dhismaha xarumaha caafimaadka. Kulankaan oo ay madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo Saraakiisha …
Wasiir Yaasiin oo booqday Cisbitaalka weyn ee Gobolka Galgaduud
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda Dr.Cadiwali Maxamad Axmad ayaa maanta kormeer Shaqo ku tagay Cisbitaalka weyn ee Gobolka Galgaduud(Galgaduud Regional Hospital) Wasiirka ayaa kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka sida qeybta silsiladda talaalka qaboojisa, qeybta talaal bixinta, qeybta bukaan socodka,sheybaarka iyo qeybta …
Continue reading “Wasiir Yaasiin oo booqday Cisbitaalka weyn ee Gobolka Galgaduud”
MUNAASABADDA XILWAREEJINTA WASIIRKII HORE EE WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA GALMUDUG
Dhusamareb: June 25, 2023: munaasabadda xilwareejinta Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug. Munaasabadda ayaa waxaa soo xaadiiray kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Doowladii Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Yaasin Cabdi Jaamac, xubno ka kala socday …
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa kormeeray habsami u socodka Shaqada Isbitaalka Istarliin ee Degmada Guriceel
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaradda Dr.Cabdiwali Maxamed Axmad Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, gudoomiyaha Dagmada Guriceel,isku duwaha Caafimaadka Dagmada Guriceel iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeeray habsami u socodka Shaqada Isbitaalka Guud ee Degmada Guriceel Wafdiga ayaa kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka sida …
WASAARADDA CAAFIMAADKA AYAA SOO XIRTAY TABABARKA XOG ARUURIYAASHA SAHANKA XARUMAHA
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Cabdiwali Maxamad Axmad ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray Tababarka xog uruuriyaasha sahanka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Galgaduud Tababarkaan ayaa waxaa bixiyey Saraakiil kasocotay Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO waxaana ka faa’ideystay 69 qofood oo ka kala yimid dhamaan Dagmooyinka Gobolka Galgaduud Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka …
TABABARKA CAAFIMAADKA DHIMIRKA OO LOO FIDINAAYO SHAQAALAHA CAAFIMAADKA GALMUDUG
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb Tababarka Caafimaadka Dhimirka oo loo fidinaayo Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug Tababarkan oo socon doona mudo 8 bari ah ayaa waxaa ka faa’ideysan doona 25 qof oo ka kala yimid Xarumaha Caafimaadka DagmadaDhuusamareeb …
Continue reading “TABABARKA CAAFIMAADKA DHIMIRKA OO LOO FIDINAAYO SHAQAALAHA CAAFIMAADKA GALMUDUG”