Madaxa Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Muscab Hassan Muse iyo Madaxa Maamulka Xogta Caafimaadka Mudane Mohamed Hassan Ali oo ay wehliyaan Masuuliyiin Kale ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Degmada Ceeldheer.
Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Degmada Ceeldheer sida Hooyada iyo dhalaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta maareynta Qaaxada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyagoo sidoo kale warbixino ka dhagaystay maamulka Isbitaalka iyo Guddiga Caafimaadka ee Degmada Ceeldheer.
Gudoomiyaha Guddiga Caafimaadka ee Isbitaalka Degmada Ceeldheer mudane Maxamed Cali Culusow oo ka warbixiyey adeega Caafimaad ee isbitaalku bixiyo iyo sida ay Bulshada Degmada Ceeldheer uga faaideystaan ayaa hoosta ka xariiqay in adeegaan ay baahi weyn u qabeen Bulshada ugana mahadcelinayaan Wasaarada Caafimaadka Galmudug sidoo kalena ka codsanayaan in loo balaariyo.
Agaasimaha Isbitaalka Degmada Ceeldheer Dr.Cabdullahi Cusmaan Xasan ayaa ka warbixiyey adeegyada uu isbitaalka diyaarka ku ah, Gargaarka Deg dega ah iyo Qaliimada lagu fuliyo Isbitaalka, caqabadaha ay wajahaan inta badan iyo adeegyada dheeriga ah ee uu Isbitaalku u baahan yahay xiligaan.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kulan gaara ah la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka Degmada Haradhere, Guddiga Caafimaadka Degmada iyo sidoo kale waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada ku dhaqan Degmada Ceeldheer oo uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dib u howlgelinta Isbitaalka iyo inay noqotey Wasaaraddi ugu horeysey ee Adeeg Bulsho la soo gaarta markii la xoreeyey kadib.