Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa si kooban uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug u heyso bulshada taas oo ay kamid tahay adeeg gaarsiinta Degmooyinkii dhawaan la xoreeyay ee Xarardheere iyo Ceeldheer. Agaasimaha ayaa xusay baahida loo qabo adeeg Caafimaad oo tayo leh oo aad u sareyso iyadoo degmooyinka ugu badan ee Galmudug aysan heysan adeeg caafimaad markii laga reebo adeeg yar oo deg deg ah. Agaasime Cabdiwali ayaa madaxda Wasaaradda Caafimaadka DFS ka codsaday in Wasaaradda Caafimaadka Galmudug laga caawiyo qalabka caafimaadka, daawooyinka muhiimka ah iyo gawaarida Ambalaasta (ambulances) si loo caawiyo shacabka ku nool degmooyinka la xoreynayo.
Wasiirka Wasaaraadda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Drs Maryan Maxamad Xuseen iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Dr Guuleed Cabdi jaliil ayaa booqday xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug halkaa oo ay si diiran ugusoo dhaweeyeen madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa madaxda Wasaaradda Caafimaadka DFS uga mahadceliyey shixnadda caafimaadka ee deg degga ah taas oo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug lasoo gaarsiiyey si looga jawaabo baahiyaha caafimaad ee deg degga ah.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka DFS ayaa ugu horeyn Wasaaradda Caafimaadka Galmudug uga mahadceliyey kusoo dhaweynta xarunta dhexe ee Wasaaradda asigoo ku amaanay Shaqaalaha iyo Madaxda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dadaalka joogtada ah iyo ka shaqeynta sidii loogu gurma lahaa dadka qaba baahiyaha caafimaadka oo ay ugu horeeyaan uureyda iyo caruurta.
Wasiirka ayaa xusay in bad-baadinta shacabka reer Galmudug iyo askarta gaar ahaan inta dagaalka dib u xoreynta lagu guda jiro ay muhiim tahay masuuliyad gaar ahna ka saaran tahay wasaaradaha caafimaadka Galmudug iyo DFS.
Ugu dambeyn Wasiirka ayaa Wasaaradda Caafimaadka Galmudug u ballan qaaday in ay si dhaw ugala shaqeyn doonaan helitaanka gargaarka caafimaadka ee deg degga ah iyo daaweynta dadka waxyeeladu soo gaaraan inta xoreynta lagu guda jiro.