Ministry of Health Galmudug

Xubno ka tirsan madaxda Wasaaradda Caafimaadka oo uu horkacaayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr.Yaasin Cabdi Jaamac ayaa kulamo gaar ah la yeeshay hay’adaha UNICEF iyo IOM kuwaas oo kamid ah hay’adaha mudada dheer Soomaaliya ka kaabaayey dhinacya badan oo ay ugu horeeyan bixinta adeegga iyo dhismaha xarumaha caafimaadka.

Kulankaan oo ay madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo Saraakiisha ka socotay Hay’adaha uga doodeen arimo dhowr ah ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray adeegyada horutabinta u leh wasaaradda caafimaadka oo ay kamid yihiin bixinta adeeg dhameystiran, dhisitaanka iyo qalabeynta Xarumo Caafimaad oo cusub, aqoon kordhinta Shaqaalaha Wasaaradda iyo xirfadlayaasha caafimaadka, bixinta adeegyada fayadhowrka, ka jawaabista xaaladaha caafimaadka bulshada ee deg degga ah iyo gaarsiinta adeeg deg deg ah degaanadii dhawaan la xoreeyey.

Saraakiisha ka socotay hay’adaha ayaa soo dhaweeyay dhamaan adeegyada ay wasaaraddu ka dalbatay una ballan qaaday in ay si dhaw wasaaradda ugala shaqeyn doonaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Yaasin Cabdi Jaamac ayaa madaxda ka socotay Hay’adaha uga mahad celiyey wada shaqeynta iyo xariirka qotada dheer ee ay la leeyihin wasaaradda caafimaadka Galmudug gaar ahaan hay’adda UNICEF oo muddo dheer Wasaaradda kala shaqeyneysay bixinta adeegyada caafimaadka iyo nafaqada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *