Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo uu Wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaradda Dr.Cadiwali Maxamad Axmad ayaa maanta kormeer Shaqo ku tagay Cisbitaalka weyn ee Gobolka Galgaduud(Galgaduud Regional Hospital)
Wasiirka ayaa kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka sida qeybta silsiladda talaalka qaboojisa, qeybta talaal bixinta, qeybta bukaan socodka,sheybaarka iyo qeybta bukaan jiifka iyagoo qiimeyn ku sameeyay adeegyada uu isbitaalku bixiyo, bukaanada ku jira iyo xirfadlayaasha caafimaad ee ka howl gala.
Agaasimaha Cisbitaalka Dr Abuukar Ali Farah ayaa ka war bixiyey adeegyada uu isbitaalku bixiyo, cudurada ugu badan ee uu isbitaalku diiwaan galiyey sanadkii lasoo dhaafay, caruurta nafaqa yarida la ildaran ee isbitaalka la keeno iyo adeegyada dheeriga ah ee uu isbitaalku u baahan yahay. Agaasimaha ayaa sheegay in Cistibitaalku uu qaabilay 40014 oo Bukaan sanadkii lasoo dhaafay sidoo kale Cisbitaalka ayaa 2000 oo qofood oo isugu jiray Arday iyo Askar u sameemey baaris dhiig oo lacag la’aan ah looguna adeegay si wanaagsan.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa si gaar ah ugu mahahceliyey Agaasimaha Cisbitaalka asagoona shaagay in mudadii sanadka aheed ee uu joogay Agaasimuhu Cisbitaalka uu ka qabtay wax lataaban karo
Ugu dambeyn Waasiirka Wasaaradda Caafimaafka Galmudug Dr.Yaasin Cabdi Jaamac ayaa Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka ku bogaadiyey Shaqada quruxda badan ee Isbitaalka ka ay u hayaan ,kuna booriyey in lasii Laba jibaaro Adeeg bixinta Caafimaadka sidoo kale Wasiirka ayaa kula dardaarmay Maamulka isbitaalka in muhiimadda koobaad lasiiyo shaqaalaha valunteers ka ah ee ka shaqeeya Cisbitaalka.