Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaardda Caafimaadka mudane Daahir Faarax Fiidow, agasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxmamed Axmed iyo shaqaala weynaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa gagida diyaaradaha ee caasimadda Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Guuleed Cabdi jaliil oo Galmudug soo gaarsiiyey Daawooyin iyo qalab caafimaad oo deg deg kaas oo qeyb ka ah howlgalka dib u xoreynta.
Madaxda wasaaradda caafimaadka Galmudug ayaa Daawooyinka iyo qalabka caafimaadka kala wareegay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji oo wasaaradda caafimaadka ku amaanay dadaalkii iyo adeegyadii caafimaadka oo ay horay u gaarsiiyeen degmooyinkii dhawaan la xoreeyey sida Xarardheere iyo Ceeldheer.