Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo kula la qaatay Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac oo dar-dar galinaya Shaqada Wasaaradda ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaradda kulan kula qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Dowlaha Wasaradda mudane Daahir Faarax Fiidow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaraada Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ujeedada kulanka …

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo soo dhaweeyey Wafdi Kasocda Hay’adda UNICEF

Wafdigaan oo uu hogaaminayey Erick Chiro Madaxa Iibka iyo Maamulka Saadka ee Barnaamijka Caafimaadka UNICEF Somalia oo ay wehlinayeen Dr.Fatima Nour iyo qaar kamid ah Madaxda Mashaariicda kala duwan Barnaamijka Caafimaadka UNICEF ayaa booqday Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug. Wafdigaan ayaa u jeedka safarkiisu ahaa qiimeynta iyo dib u eegista mashaariicda ay ha,adda UNICEF …

Soo dhaweynta Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac oo si rasmi ah usoo shaqa galay ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahayna ku simaha Wasiirka mudane Daahir Faarax Fiidow. kulankaan oo ay goob joog ka ahaayeen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo dhamaan howl wadeenada kale ee Wasaaradda …

Afur Wadareedka Shaqaala Weynaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug

Kulan Afur Wadareed ah oo ay isugu yimaadeen Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulahada Galmudug oo caawa ka dhacay xarunta dhexe Ee wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Galmudug Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Daahir Faarax Fiidow iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa goobjoog ka …

Shirka Saddex biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, Shirka Saddex biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug. Shirkan oo socon doona mudo 2 maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa horumarada laga gaaray adeeg bixinta Caafimaad ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay Caqabadaha jira iyo sidii …

SHIRKA HAY’ADDAHA DOWLADDA IYO NGOs-KA KUWA CAALAMIGA AH IYO KUWA MAXALIGA AH

Shirkaan oo uu shir gudoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada dowladda Galmudug ayna kasoo qeyb galeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha ayaa waxaa diiradda lagu saaray iskuxirka iyo wadashaqaynta iyadoo si wadajir ah loogu shaqaynaayo shacabka ree Galmudug. Shirka ayaa waxaa looga hadlay Xasilinta, Horumarinta, Caafimaadka , Waxbarashada, Biyaha iyo Tamarta . waxaa lagu balamay joogtaynta shirarka …

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA CAAFIMAADKA GALMUDUG Dr.ABDIWALI MOHAMED AHMED AYAA KA QEYB GALAY SHIRKA WADA TASHIGA IYO DARDAR GALINTA HOWLAHA XASILINTA DEEGAANADA GALMUDUG

Kulankaan oo uu shir gudoomiyey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug kana soo qeyb galeen Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha Galmudug ayaa Diirada lagu saray howlaha xasilinta iyo Adeeg Daadajinta ayaa lagu so bandhigay Hormarada ay Wasaaradaha Galmudug sameeyen iyo Caqabadaha horyaala. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo kulanka …

SHIRKA DIB-U-EEGISTA IYO QORSHAYNTA CAAFIMAADKA EE SANADLAHA AH

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Cabdiwali Mohamed Ahmed ayaa Magaalada Dhuusamarreeb Ka daah furey shirka dib u eegista sanadka dhamaanaya iyo mashaariicda caafimaadka ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda UNICEF. Shirka inta uu socday ayaa waxaa lagu soo …

Waxaa Magaalada Dhuusamarreeb caasimadda Dowladda Galmudug lagu soo gaba gabeeyey Shirka shanaad ee wadatashiga Wasaaraddaha Cafimaadka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Adan oo oo soo xirey Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo labadii maalin u dambeysay ka socday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Shirka oo socday muddo labo …

WASIIR DOWLAHA WASAARADDA CAAFIMAADKA GALMUDUG AYAA KORMEER SHAQO IYO QIIMEYN KU TAGAY ISBITAALKA DEGMADA XARARDHEERE

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faarax Fiidow oo ay wehliyaan Masuuliyiin Kale ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Degmada Xarardheere oo adeeg Caafimaad oo bilaash ah ay ka hirgelisey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug. Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Degmada Xarardheere sida Hooyada iyo dhalaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta …