Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan Wasiirdowlaha Wasaaradda iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, Shirka saddex biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug.

Shirka oo socon doona mudo 3 maalmood ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa horumarada laga gaaray adeeg bixinta Caafimaad ee lixdii bilood ee lasoo dhaafay, Caqabadaha jira iyo sidii loo buuxin lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira dhamaan degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee Galmudug. Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay kudhawaad 20 Hay’adood oo ka shaqeeya adeegyada Caafimaadka, Nafaqaynta iyo Fayadhowrka kuwaas oo ka howlgala guud ahaan Galmudug

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Dr.Cabdiwali Maxamed Axmed oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa si diiran usoo dhaweeyay marti sharafta iyo dhamaan kasoo qaybgalayaasha munaasabadaan. Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay muhiimada ay leedahay in dib loo eego waxqabadkii hayadaha iyo xarumaha caafimaadak ee lixdii bilood ee lasoo dhafay; iyo muhiimad siinta saamaynta Caafimaaka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo shirka si rasmi ah u daahfurey ayaa u mahadceliyey hay’adaha kala duwan sidii ay uga qayb qaateen ka jawaabista abaaraha iyo xaaladaha bini aadannimo ee ka taagnaa deegaanada kala duwan ee Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *