Madaxa Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Muscab Hassan Muse iyo Madaxa Maamulka Xogta Caafimaadka Mudane Mohamed Hassan Ali oo ay wehliyaan Masuuliyiin Kale ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Degmada Harardheere oo adeeg Caafimaad oo bilaash ah ay ka hirgelisey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Degmada Xarardheere sida Hooyada iyo dhalaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta maareynta Qaaxada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyagoo sidoo kale warbixino ka dhagaystay maamulka Isbitaalka.
Agaasimaha Isbitaalka Dr Bashiir Shiekh Abdullahi ayaa ka warbixiyey adeegyada uu isbitaalku bixiyo, cudurada ugu badan ee uu isbitaalku diiwaan galiyey sadexda bilood lasoo dhaafay, caruurta nafaqa yarida la il daran ee isbitaalka la keeno iyo adeegyada dheeriga ah ee uu Isbitaalku u baahan yahay.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kulan gaara ah la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka Degmada Xarardheere iyo sidoo kale waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada ku dhaqan Degmada Xarardheere oo uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dib u howlgelinta Isbitaalka iyo inay noqotey Wasaaraddi ugu horeysey ee Adeeg Bulsho la soo gaarta markii la xoreeyey kadib.