Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo uu wehliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Maamulayaasha Cisbitaalada Hanano, Dayax , iyo Galgaduud Regional Hospital

Kulankaan ayaa lagu falanqeeyey qaabkii loo wajihi lahaa dhaawacyada ku soo dhaawacma furimaha dagaalka iyo sidii looga Jawaabi lahaa xaaladaha caafimaad inta lagu guda jiro howlgalada dib u xoreynta.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa ayaa faray Dhaqaatiirta in wixii maanta kabilowda ay galaan heegan buuxa wasiirka ayaa faray in qodobada kulanka kasoo baxay horutabinta kowaad la siiyo si loo bad-baadiyo bulshada ku nool goobaha xoreynta.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *