Dhusamareb: June 25, 2023: munaasabadda xilwareejinta Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa ka dhacday xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Munaasabadda ayaa waxaa soo xaadiiray kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Doowladii Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid, Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Yaasin Cabdi Jaamac, xubno ka kala socday Golaha Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka Galmudug, Hantidhowraha guud, Wasiiru Dowlaha iyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimaha Guud, Shaqaala weynaha wasaaradda caafimaadka iyo marti sharaf kale.
Ugu horeyn Hantidhowraha Guud ee Dowladda Galmudug mudane Xaashi ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta iyo joogteynta amaanada, hantida Wasaaradda iyo xeerarka u degsan.
Xildhibaan Mowlid oo munaasabadda ka hadlay ayaa kheyr u rijeeyay wasiirkii hore ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiwali sidookalena wasiirka cusub kula dardaarmay sii balaarinta nidaamka iyo bixinta adeegga caadimaadka.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka oo maanta xilka wareejinaayey ayaa si kooban u xusay guulihii ay Wasaaraddu gaartay mudadii 3-da sano aheyd ee uu xilka haayey kuwaas oo ay kamid yihiin; dhisidda xarunta Wasaaradda, dib u nidaaminta xeerarka iyo siyaasadaha Wasaaradda, Xirfad kordhinta shaqaalaha Wasaaradda iyo kuwa xarumaha Caafimaadka, Qalabeynta Sheybaarka dhexe, dib u hagaajinta Silsiladda qaboojinta Talaalka, furista 3 warshadood ee Oxygen-ka soo saarta, furitaanka Xarumo Caafimaad, sare u qaadista tayada adeegga Caafimaadka iyo Shaqaaleysiinta ku dhawaad 1,000 oo Xirfadlayaasha Caafimaadka kamid ah.
Wasiir Cabdiwali ayaa shaqaalaha wasaaradda caafimaadka ku amaanay wada shaqeyntii dhex martay mudadii uu xilka haayey sidookalena kula dardaarmay in ay si hufan ula shaqeeyaan wasiirka cusub.
Wasiirka Cusub ee wasaaradda caafimaadka Dr. Yaasin Cabdi Jaamac ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Cabdullahi asiga oo ku amaanay inuu Wasaaradda soo gaarsiiyey meel lagu faani karo. Wasiir Yaasin ayaa ballan qaaday inuu joogteyn doono wixii hore loo qabtay, sidookalena dhameystiri doono wixii qorsheyna soona kordhin doono wax cusub inta lagu guda jiro mudda xileedkiisa.
Ugu dambeyn madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo labada Wasiir xilka u kala wareejiyey ayaa ugu horeyn u mahadceliyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali asiga oo xusay heerarkii kala duwanaa ee uu dhismaha Caafimaadku soo maray. Madaxweyne ku xigeenka ayaa Wasiirka cusub kula dardaarmay inuu amaanada loo dhiibay sida ugu haboon u guto sidookalena joogteeyo sarena usii qaado shaqaalaha iyo bixinta adeegga caafimaadka.