Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa shir gudoomiyey shirka asbuuclaha ee Wasaaradda Caafimaadka. Kulanka uu shir gudoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug soona xaadireen shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa dib loogu qiimeyay howl qabadka isbuuclaha ah ee shaqaalaha sidookalena lagu wadaagay dhamaan howlaha ay wadaan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Agaasimayaasha waaxyadda, madax qeebeydyada iyo shaqaala kale ee wasaaradda ayaa ka war bixiyey wixii u qabsoomay isbuucyadii lasoo dhaafay iyo howlaha u qorsheesan isbuucaan.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa dhamaan howl wadeenada Wasaaradda kula dardaarmay inay qof kasta ka warbixiso howsha loo idmaday lagulana xisaabtami doono. Agaasimaha ayaa carabka ku adkeeyay joogteynta shirka isbuuclaha ah iyo fulinta qodobada kasoo baxa si bulshada loo gaarsiiyo adeeg caafimaad oo tayo leh loogana jawaabo baahiyaha horutabinta leh.

Ugu dambeyn agaasimaha ayaa shaqalaha wasaaradda faray diyaarinta qorshe deg deg ah oo lagu wajahayo caabuqa ka dilaacay Dagmada Gadoon iyo Mareergur si loo xakameeyo faafitaanka caabuqa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *