Wafdigaan oo uu hogaaminayey Erick Chiro Madaxa Iibka iyo Maamulka Saadka ee Barnaamijka Caafimaadka UNICEF Somalia oo ay wehlinayeen Dr.Fatima Nour iyo qaar kamid ah Madaxda Mashaariicda kala duwan Barnaamijka Caafimaadka UNICEF ayaa booqday Xarunta Dhexe Ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Wafdigaan ayaa u jeedka safarkiisu ahaa qiimeynta iyo dib u eegista mashaariicda ay ha,adda UNICEF ka taageerto Wasaaradda Caafimaadka Galmudug. Wafdiga ayaa sidoo kale booqasho iyo qiimeyn ku tagay Bakhaarka Daawada ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa bogaadiyey dadaalada hormarinta Caafimaadka iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Hey’adda UNICEF la leedahay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, isagoo sidoo kale uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Dhusomareb, shirka ayaa sidoo kale looga wada hadlay sidii loo hormarin lahaa loona xoojin lahaa wada shaqaynta ay Wasaarada Caafimaadka Galmudug la leedahay Hay’ada UNICEF.