Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac oo si rasmi ah usoo shaqa galay ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka ahayna ku simaha Wasiirka mudane Daahir Faarax Fiidow.

kulankaan oo ay goob joog ka ahaayeen, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha guud iyo dhamaan howl wadeenada kale ee Wasaaradda ayaa si diiran loogusoo dhaweeyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda.

ugu horeyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa Wasiirka mar kale soo dhaweeyey lana wadaagay dhamaan howlaha socda ee Wasaaradda asigoo xusay wada shaqeynta iyo dadaalka ay shaqaaluhu sii wadeen. agaasimaha ayaa sidokale Wasiirkii hore Dr. Yaasin Cabdi Jaamac uga mahadceliyey sii wedista shaqada Wasaaradda.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka mudane Daahir Daahir Faarax Fiidow ayaa Wasiir Cabdiwali uga mahadceliyey shaqadii uu horay reer Galmudug ugusoo qabtay sidookalena kula dardaarmay in uu halka ay mareyso kasii wado siina dardar geliyo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor fursadda uu markii labaad u siiyey u adeegista bulshada reer Galmudug. Wasiirka ayaa sidookale uga mahadceliyey Wasiirkii ka horeeyey sii waditaankii shaqada Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka ayaa shaqaalaha ku amaaney dadaalkooda joogtada ah iyo wada shaqeyntooda sidookalena kula dardaarmay dardar gelinta shaqooyinka sanadkaan qorsheysan asigoo ballan qaaday in uu juhdi ku bixi doono baahinta adeegga caafimaadka si loo xoojiyo adeegga caafimaadka ee degmooyinka la xoreeyey iyo kuwa aan wali adeeggu si fiican u gaarin.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa shaqaalaha uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo midnimada astaanta u ah asigoo kula dardaarmay in ay joogteeyaan dhaqankii lagu bartay ee ahaa wada shaqeyn, iscaawin iyo aqoon isweydaarsi.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *