Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac oo dar-dar galinaya Shaqada Wasaaradda ayaa maanta Xarunta Dhexe ee Wasaradda kulan kula qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug
Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir Dowlaha Wasaradda mudane Daahir Faarax Fiidow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaraada Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii loo dardar galin lahaa howlaha shaqo ee Wasaaradda.
Wasiirka ayaa Agaasime waaxeedyada iyo shaqaalaha wasaarada ka dhagaystay warbixino la xiriira shaqada iyo si guud habsami u socodka adeegyada caafimaadka Galmudug.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Maxamed Axmed ayaa ka warbixiyey waaxaha kala duwan ee Wasaaradda waxyaabaha u qabsoomay sanadkii dhamaaday ee 2023 iyo qorshayaasha u dagan sanadkan 2024.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa xusay inay lagama maarmaan tahay dardar galinta howlaha Wasaaradda si loo helo bulsha caafimaad qabta wacyigeeda caafimaadkuna sareeyo wuxuuna shaqaalaha kula dardaarmay qabashada howlaha horyaala ee ku xusan qorsha howleedka wasaaradda ee sanadka 2024