Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Adan oo oo soo xirey Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka oo labadii maalin u dambeysay ka socday Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa ahaa kii Shanaad (5) oo ay yeeshaan Wasaaraddaha Caafimaadka heer Federal iyo heer Dowlad Goboleed taas oo looga hadlayey horumarinta qeybta Caafimaadka guud ee Dalka.

Xiritaanka Madasha waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil, Wasiiradda Caafimdaa Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya agaasimayaal iyo khuburo dhanka Caafimaadka ah.

Madasha inta ay socotay ayaa lagu lafaguray qodobo waa wayn oo horey uga soo baxay Shirarkii ka kala dhacay Puntland, Jubaland iyo Gobolka Banaadir oo ahaa qodobo aas aas u ah horumarinta Caafimaadka iyo ka dhabeynta ta hiigsiga dhow ee isbadalka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Shirka waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay howlaha hortabinta leh ee horyaala Wasaaraddaha Caafimaadka Dowlad Goboleedyada iyo wixii ka qabsoomey qodobadii horey hoosta looga xariiqey ee ay ka mid ahaayeen daadejinta barnaamijka Caafimaadka ee heer Dowlad Goboleed.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa u mahadceliyey Madaxda Dowlada Galmudug gaar ahaam bahda Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo la hayd dowrka abaabulka Shirka waxa uuna sidoo kale sheegey in Mashaariicda horyaala Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya la gaarsiin doono wasaaradaha Dowlad Goboleedya si Bulshada Soomaaliyeed u helaan adeeg Caafimaad oo dhaneystiran.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *