Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Faarax Fiidow oo ay wehliyaan Masuuliyiin Kale ayaa kormeer ku tagay Isbitaalka Degmada Xarardheere oo adeeg Caafimaad oo bilaash ah ay ka hirgelisey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.
Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Degmada Xarardheere sida Hooyada iyo dhalaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta maareynta Qaaxada iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Isbitaalka, iyagoo sidoo kale warbixino ka dhagaystay maamulka Isbitaalka.
Masuuliyiinta ayaa sidoo kale kulan gaara ah la qaatay Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka Degmada Xarardheere iyo sidoo kale waxgaradka, Odayaasha iyo Bulshada ku dhaqan Degmada Xarardheere oo uga mahadceliyey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug dib u howlgelinta Isbitaalka.