Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Cabdiwali Mohamed Ahmed ayaa Magaalada Dhuusamarreeb Ka daah furey shirka dib u eegista sanadka dhamaanaya iyo mashaariicda caafimaadka ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda UNICEF.


Shirka inta uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira xaaladda guud ee caafimaadka Galmudug, Caqabadaha jira, si looga guul gaaro dhamaan qorshayaasha sanadkaan sii dhamaanaya ee 2023 iyo sanadaha soo socdaba.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa ku amaanay hey’adda UNICEF fulinta mashaariicda waxtarka u leh adeegyada Caafimaadka ee Galmudug ku bixineyso isagoo sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Wasaarada Caafimaadka Galmudug uga go’antahay in la horumariyo adeegyada Caafimaadka ee Galmudug iyadoo la kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaarada.

Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Yaasiin Cabdi Jaamac ayaa bogaadiyey dadaalada horumarinta Caafimaadka iyo wadashaqeynta wanaagsan ee Hey’adda UNICEF la leedahay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug isagoo dul istaagay arimaha hortebinta u leh Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *