Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa daahfurey Tababarka Shaqaalaha Caafimaadka Ee Baaritaanada Deg-dega ah

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa daahfuray Tababarka Shaqaalaha Caafimaadka Ee Baaritaanada Deg-dega ah Ee isku dhafan (Integrated Antigen Rabid Diagnostic Ag-RDT Training for Health workers) kaas oo socon doona muddo 2 maalmood ah, Loona qabanayo Shaqaale ka kala yimid dhamaan Xarumaha Caafimaadka Degmooyinka Galmudug. Madaxa Sheeybaarka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr …

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmugud Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa magaalada Dhusamareb ku soo xirey Tababarka Xog uruuriyaasha sahanka caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray Tababarka xog uruuriyaasha sahanka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Galgaduud Tababarkaan ayaa waxaa bixiyey Saraakiil kasocotay Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO waxaana ka faa’ideystay 69 qofood oo ka kala yimid dhamaan Dagmooyinka Gobolka Galgaduud Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka …

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohmed Ahmed oo furey tababarka dhimirka caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb Tababarka Caafimaadka Dhimirka oo loo fidinaayo Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug Tababarkan oo socon doona mudo 8 bari ah ayaa waxaa ka faa’ideysan doona 25 qof oo ka kala yimid Xarumaha Caafimaadka DagmadaDhuusamareeb Drs Zaynab Axmed Nuur …

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa soo xirey Tababarka Caafimaadka Dhimirka oo loo fidinaayo Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa maanta soo xiray Tababarka Caafimaadka Dhimirka oo loo fidinaayo Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug Tababarkan oo socday mudo 8 bari ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 25 qof oo ka kala yimid Xarumaha Caafimaadka Dagmada Dhuusamareeb Tababarka ayaa waxaa bixiyey xirfadleyaal aqoon durugsan u leh Caafimaafka Dhimirka oo …

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo uu wehliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Agaasimayasha Cisbitaalada Hanano, Dayax , iyo Galgaduud Regional Hospital

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo uu wehliyo Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray Maamulayaasha Cisbitaalada Hanano, Dayax , iyo Galgaduud Regional Hospital Kulankaan ayaa lagu falanqeeyey qaabkii loo wajihi lahaa dhaawacyada ku soo dhaawacma furimaha dagaalka iyo sidii looga Jawaabi …

WAFDI KA SOCDA WASAARADDA CAAFIMAADKA GALMUDUG OO SOCDAAL KU MARAYEY DEDMOOYINKA DHOWAAN LA XOREEYEY AYAA KORMEER SHAQO KU TAGAY ISBITAALKA DEGMADA CEELDHEER OO AY ADEEG LACAG LA’AAN AH KA HIRGELISEY WASAARADDA CAAFIMAADKA GALMUDUG.

Madaxa Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Muscab Hassan Muse iyo Madaxa Maamulka Xogta Caafimaadka Mudane Mohamed Hassan Ali oo ay wehliyaan Masuuliyiin Kale ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Degmada Ceeldheer. Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Degmada Ceeldheer sida Hooyada iyo dhalaanka, Bukaan jiifka, qeybaha Daawada iyo Sheybaarka, Qeybta …

MASUULIYIIN KA TIRSAN WASAARADDA CAAFIMAADKA GALMUDUG AYAA KORMEER SHAQO IYO QIIMEYN KU TAGAY ISBITAALKA DEGMADA XARARDHEERE OO AY DIB U HOWLGELISEY WASAARADDA CAAFIMAADKA GALMUDUG DHOWAAN.

Madaxa Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Muscab Hassan Muse iyo Madaxa Maamulka Xogta Caafimaadka Mudane Mohamed Hassan Ali oo ay wehliyaan Masuuliyiin Kale ayaa kormeer shaqo ku tagay Isbitaalka Degmada Harardheere oo adeeg Caafimaad oo bilaash ah ay ka hirgelisey Wasaaradda Caafimaadka Galmudug. Wafdigaan ayaa kormeeray qaybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka Degmada …

Wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Fadaraalka Soomaaliya oo safar shaqo kusoo gaaray Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa booqday Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa si kooban uga warbixiyey shaqada ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug u heyso bulshada taas oo ay kamid tahay adeeg gaarsiinta Degmooyinkii dhawaan la xoreeyay ee Xarardheere iyo Ceeldheer. Agaasimaha ayaa xusay baahida loo qabo adeeg Caafimaad oo tayo leh oo aad u sareyso iyadoo degmooyinka ugu …

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa Dhuusamareb kusoo dhaweysay wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo ay ugu horeeyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaardda Caafimaadka mudane Daahir Faarax Fiidow, agasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxmamed Axmed iyo shaqaala weynaha Wasaaradda Caafimaadka ayaa gagida diyaaradaha ee caasimadda Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda …

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa shir gudoomiyey shirka asbuuclaha ee Wasaaradda Caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa shir gudoomiyey shirka asbuuclaha ee Wasaaradda Caafimaadka. Kulanka uu shir gudoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug soona xaadireen shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa dib loogu qiimeyay howl qabadka isbuuclaha ah ee shaqaalaha sidookalena lagu wadaagay dhamaan howlaha ay wadaan waaxyaha kala duwan ee …