Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa maanta soo xiray Tababarka Caafimaadka Dhimirka oo loo fidinaayo Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug

Tababarkan oo socday mudo 8 bari ah ayaa waxaa ka faa’ideystay 25 qof oo ka kala yimid Xarumaha Caafimaadka Dagmada Dhuusamareeb

Tababarka ayaa waxaa bixiyey xirfadleyaal aqoon durugsan u leh Caafimaafka Dhimirka oo ka socday Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya iyo Ha’adda Caafimaadka Aduunka WHO.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed oo tababarkaan soo xiray ayaa uga mahadceliyay macalimiintii dadaalka xoogan ku bixiyay mudadii uu tababarku socday.

Ugu danbeyn, xiritaanka tababarka kadib ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin 25 kamid ah shaqaalaha ka kasoo qeyb galay tababarkaan kuwaas oo dadaalka iyo juhdiga ay bixiyeen owgiis ku muteystey shahaadada Tababarka Caafimaadka Dhimirka

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *