Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Galmudug mudane Hon Abdiwali Abdullahi Jama ayaa maanta ka qeyb galay shirka tayeynta iyo xoojinta shaqada Hay’adaha dowlada,

DHUUSAMAREEB, 15 MAY 2023 Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Hon Abdiwali Abdullahi Jama oo ay welihiyaan lataliyaha Wasaarada Dr Cumar Mohamed Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadsa Mudane Cabdixakin Maxamed Diriye ayaa maanta ka qeyb galay shirka tayeynta iyo xoojinta shaqada Hay’adaha dowlada, Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda WFP …

Wasiirka Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Daahir Farah Fiidow ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Daahfurka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC).

Muqdisho 2 May 2023, Wasiirka Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Daahir Farah Fiidow ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Daahfurka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC). Munaasabadda waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiiro heer Federaal iyo heer dowlad gobleed ah, Xildhibaanada labada Aqa lee Baarlamaanka Federaalka …

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwelli Abdullahi Jama ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb tababarka Maaraynta iyo Midaynta Xogta HIV-ga.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwelli Abdullahi Jama oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb tababarka Maaraynta iyo Midaynta Xogta HIV-ga.Tababarkan oo socon doona mudo 4 bari ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa bixinta tababar la xariira maaraynta iyo …

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Abdiweli Abdullahi Jama ayaa xariga ka jaray Xarunta Sheybaarka Dhexe ee Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Abdiweli Abdullahi Jama ayaa xariga ka jaray Xarunta Sheybaarka Dhexe ee Galmudug oo ay gudaha Isbitaalka Gobolka Galgaduud ka hirgelisey Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO. Dr Mohamed Abdullahi, Madaxa Talaalka ee Hay’ada Caafimaadka Aduunka Soomaaliya oo munaasabada daahfurka ka hadlay ayaa faah-faahiyey muhiimada sheybaarkaan casriga …

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiweli Abdullahi Jama ayaa Xariga ka jaray Isbitaalka Guud ee Degmada Xeraale oo si casri ah loo dhisey.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiweli Abdullahi Jama oo ay wehlinayaan Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Galmudug Mudane Abdirahman Mohamed Dirie(Makaawi), Xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Galmudug, Maamulka Degmada Xeraale iyo Madaxda Hay’adda SAVE THE CHILDREN Xafiisyadeeda Koonfurta iyo bartamaha iyo Galmudug ayaa Xariga ka jaray Isbitaalka Guud ee Degmada Xeraale oo si casri …

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Ahmed ayaa ka qeybgalay daahfurka goob xiran oo loogu talagalay in laysugu geeyo qashinka magaalada kadibna lagu gubo

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Ahmed ayaa ka qeybgalay daahfurka goob xiran oo loogu talagalay in laysugu geeyo qashinka magaalada kadibna lagu gubo Waxaana cabirka goobtan oo dhan 100×100 dhisamaheeda fuliyey Ha’adda PAH sidoo kalena wasreejisay agab Nadaafadeed iyo Gaari loogu tala galay in uu qeyb ka noqdo …

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa shir gudoomiyey shirka qiimeynta iyo qorshaynta Wasaaradda Cafiimadka Galmudug

DHUUSAMAREEB: APRIL 29, 2023; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Ahmed oo Kulankan shir gudoominayey soona xaadireen shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa dib loogu qiimeyay howl qabadka isbuuclaha ah ee shaqaalaha sidookalena lagu wadaagay dhamaan howlaha ay wadaan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda. Agaasime waaxeedyada, madax qeebeydyada iyo shaqaala kale ee …

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Ahmed yaa soo dhaweeyey Wafdi Balaaran oo Ka Socday Hey’adaha Qaramada Midoobay oo soo Gaaray Galmudug

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Ahmed yaa soo dhaweeyey Wafdi Balaaran oo Ka Socday Hey’adaha Qaramada Midoobay oo soo Gaaray Galmudug Dhusamareb, April 10, 2023; Wafdi heer sare ah oo ka socday Hey’adaha Qaramada midoobay (National clusters) ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka weyn ee gobolka Galgaduud. Wafdigaan ayaa kormeeray dhamaan …