Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray Tababarka xog uruuriyaasha sahanka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Galgaduud

Tababarkaan ayaa waxaa bixiyey Saraakiil kasocotay Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO waxaana ka faa’ideystay 69 qofood oo ka kala yimid dhamaan Dagmooyinka Gobolka Galgaduud

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed oo tababarka si rasmi ah u soo xirey ayaa sharaxay Ujeedka tababarkaan iyo ahmiyada ay leeyihiin tababarada nuucaan ah, sidoo kale dadaalka ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ku bixineyso sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda Shaqaalaha Caafimaadka ee dhamaan deegaanada Galmudug, Agaasimaha ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha ka kala yimid xarumaha caafimaadka soo gudbinta xog caafimaad oo dhamaystiran.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *