Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb Tababarka Caafimaadka Dhimirka oo loo fidinaayo Shaqaalaha Caafimaadka Galmudug

Tababarkan oo socon doona mudo 8 bari ah ayaa waxaa ka faa’ideysan doona 25 qof oo ka kala yimid Xarumaha Caafimaadka DagmadaDhuusamareeb

Drs Zaynab Axmed Nuur maxada caafimaadka qeybta dhimirka Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya oo munaasabada hadal kooban ka jeedisay ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimada uu leeyahay tababarkaan iyo waxa uu xambaarsan yahay, Dr Zaynab ayaa shaqaalaha ugu baaqday inay ka faa’idaystaan tababarka lana yimaadaan dadaal dheeri ah maalmaha uu tababarku socon doono.

Ugu danbeyn, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed oo si rasmi ah u furay tababarka ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay uga go’an tahay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug inay dadaal dheeri ah ku bixiso sidii loo tayeyn lahaa shaqaalaha xarumaha caafimaadka Galmudug gaar ahaan kuwa ka shaqeeya qaybta caafimaadka dhimirka, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay khuburada ka socda Hay’adda WHO fududeyntooda tababarkan iyo macalimiinta bixineysaba.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *