Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Ahmed ayaa ka qeybgalay daahfurka goob xiran oo loogu talagalay in laysugu geeyo qashinka magaalada kadibna lagu gubo

Waxaana cabirka goobtan oo dhan 100×100 dhisamaheeda fuliyey Ha’adda PAH sidoo kalena wasreejisay agab Nadaafadeed iyo Gaari loogu tala galay in uu qeyb ka noqdo ololaha nadaafada iyo bilic soo celinta magaalada.

Daa’uud Cabdi Osman madaxa Ha’adda PAH ee Galmudug ayaa xusay in gaariga iyo qalabkan ay ugu talagaleen xoojinta bilicda magaalada oo ay xilliyadii dambe maamulka degmada kala shaqaynayeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa uga mahadceliyey Ha’adda PAH suurta galinta Barnaamijkan uuna wax badan ka Kaqaban doono nadaafadda iyo caafimaadka bulsho weynta ku dhaqan Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *