Ministry of Health Galmudug

DHUUSAMAREEB: APRIL 29, 2023;

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Cabdiwali Maxamed Ahmed oo Kulankan shir gudoominayey soona xaadireen shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda ayaa dib loogu qiimeyay howl qabadka isbuuclaha ah ee shaqaalaha sidookalena lagu wadaagay dhamaan howlaha ay wadaan waaxyaha kala duwan ee wasaaradda.

Agaasime waaxeedyada, madax qeebeydyada iyo shaqaala kale ee wasaaradda ayaa ka war bixiyey wixii u qabsoomay isbuucyadii lasoo dhaafay iyo howlaha u qorsheesan isbuucaan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa dhamaan howl wadeenada wasaaradda kula dardaarmay inay qof kasta ka warbixiso howsha loo idmaday lagulana xisaabtami doono. Agaasimaha ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay xogta caafimaadku u leedahay go’aan qaadashada iyo qiimeynta xarumaha iyo adeegyada caafimaadka kuna wargeliyey inay waax kasta u isticmaasho xogta sidii ay u joogteyn lahayen howlaha socda una sixi laheyen wixii qaldan.

Ugu dambeyn Agaasime Cabdiwali ayaa shaqaalaha kula dardaarmay in ay si joogto ah wax u bartaan si ay horumarinta xirfadooda iyo shaqada wasaaradda qeyb uga qaataan. Asigoo sidookale kula dardaarmay ilaalinta waqtiyada shaqada lasoo galo Iyo kan laga baxa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *