Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwelli Abdullahi Jama oo uu Weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa maanta si rasmi ah uga daahfuray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb tababarka Maaraynta iyo Midaynta Xogta HIV-ga.
Tababarkan oo socon doona mudo 4 bari ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa bixinta tababar la xariira maaraynta iyo midaynta xogta cudurka dilaaga ah ee HIV kaas oo loo qabanayo Shaqaalaha Kashaqeeyo Mashruucan oo ka kala yimid maamul Gobaleedyada dalka iyo Dawladda Federal-ka Soomaaliya.
Madaxa Mashruuca HIV-ga ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Somaaaaliya Dr Sadia Abdisamad Abdullahi oo munaasabada hadal kooban ka jeedisay ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimada uu leeyahay tababarkaan iyo waxa uu xambaarsan yahay oo ay ugu horayso qaabkii loo midayn lahaa xogta kaydsan ee HIV-ga, Dr Sacdiya ayaa shaqaalaha ugu baaqday inay ka faa’idaystaan tababarkan lana yimaadaan dadaal dheeri ah hadii Alle idmo.
Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Mudane Dr.Cabdiwali Maxamed Axmed oo ka hadlay goobta ayaa ugu horeyn shaqaalaha loo qabanayo tababarkaan kusoo dhaweeyay caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamarreeb. Agaasimaha ayaa intaa kadib ka hadlay muhiimadda uu xambaarsan yahay tababarkaan la xariira maaraynta xogta bacdamaa ay xogtu tahay tiir kamid ah tiirarka ugu waaweyn ee la xariira go’aan qaadashada adeeg bixinta caafimaad ee Hay’adaha dowliga ah.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr Cabdiwali Cabdullahi Jamac oo si rasmi ah u daahfuray tababarkaan ayaa muujiyay dareenkiisa ku aadan qabashada tababarkan muhimka ah asagoo xusay inay tahay markii ugu horaysay oo tababbar noocaan o kale ah lagu qabtay Galmudug. Wasiirka ayaa ugu dambeyn kula dardaarmay shaqaalaha kala duwan ee ka kala yimid gobolada kala duwan ee dalka inay si qoto dheer leh uga faa’idaystaan maalmah uu socdo tababrkaan una rajeeyay shaqaalahaas helidda cilmi iyo aqoon duruqsan oo ku aadan maaraynta xogta.