DHUUSAMAREEB, 15 MAY 2023
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Hon Abdiwali Abdullahi Jama oo ay welihiyaan lataliyaha Wasaarada Dr Cumar Mohamed Cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadsa Mudane Cabdixakin Maxamed Diriye ayaa maanta ka qeyb galay shirka tayeynta iyo xoojinta shaqada Hay’adaha dowlada,
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda WFP Somalia ayaa Waxaa kasoo qeyb galay wasaaradaha wada shaqeynta laleh haydaya WFP Somalia.
Ujeedka shirku waxaa uu ahaaa in ay Wasaaraduhu soo gudbiyan waxyaabaha hortabinta leh ayaga oo kusalaynaya qorshaha Hormarinta leh somaaliyed iyo strategies-ka WFP ee Somaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Abdiweli Abdullahi Jama ayaa bogaadiyey Gargaarka ay Hay’adda WFP la garabtaagantahay Galmudug gaar ahaan sidii loo yareyn lahaa Nafaqo darrada loogana hortegi lahaa Macluul soo wajahda Bulshada ku dhaqan Galmudug, Wasiirka ayaa sidoo kale xusey sida ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Hay’adda WFP la leedahay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.