Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Abdiweli Abdullahi Jama ayaa xariga ka jaray Xarunta Sheybaarka Dhexe ee Galmudug oo ay gudaha Isbitaalka Gobolka Galgaduud ka hirgelisey Wasaarada Caafimaadka Galmudug oo kaashanaysa Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO.
Dr Mohamed Abdullahi, Madaxa Talaalka ee Hay’ada Caafimaadka Aduunka Soomaaliya oo munaasabada daahfurka ka hadlay ayaa faah-faahiyey muhiimada sheybaarkaan casriga ah u leeyahay Bulshada Galmudug iyo dedaalka ay Wasaarada Caafimaadka Galmudug ku bixisey sidii loo hirgelin lahaa Sheybaarkaan Casriga ah, isagoo sidoo kale balanqaaday inay Wasaarada ka taageeri doonaan sidii loo tayeyn lahaa adeegyada kala duwan sheybaarkaan bixin doono.
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Galmudug Dr. Abdiwali Abdullahi Jama oo ka hadlay munaasabada daahfurka ayaa sharaxay mashiinada diyaarka ku ah Sheybaarka dhexe ee Galmudug sida PCR, ELISA iyo dhamaan mashiinada kale ee Asaasiga ah sida Biochemistry, CBC, Gene-Xpert, Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in maanta laga bilaabo aysan jiri doonin dheecaamo loo qaado meelo ka baxsan Galmudug si looga baaro cudurada faafa sida Jadeecada, Daacuunka, Karoonaha IWM oo hore loogu qaadi jirey meelo ka baxsan Galmudug.
sidoo kale Wasiirka ayaa kormeeray silsilada qaboojiyayaasha Galmudug (Cold Chain ) oo iyana lagu sameeyey dayactir iyo qalabeyn balaaran
Ugu danbeyn, Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa uga mahadceliyey Hay’ada Caafimaadka Aduunka ee WHO taageerada ay la garab taagantahay Wasaarada Caafimaadka Galmudug ee ku aadan sidii loo tayeyn lahaa adeegyada kala duwan ee Caafimaadka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *