Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Maxamuud Axmed Maxamed oo ay wehliyaan Agaasimaha Caafimaadka Bulshada mudane Cabdullaahi Warsame Abtidoon, Madaxa Iibka iyo Saadka ee Wasaaradda mudane Axmed Cabdullaahi Cabdulle, Isku Duwaha Cafamaadka Degmada Galinsoor Cumar Bariise, Howlwadeeno Wasaaradda ka socday iyo Gudoomiye ku xigeynka Degmada Galinsoor ayaa xariga ka jaray xarumo cusub oo loogu tala galay in loogu adeego hooyada iyo dhalaanka kuwaas oo laga hirgaliyey Deeganada DEEQLA IYO MIRCOOWLEYD,
Xarumahan ayaa lagu dhisay is xilqaan Bulsho ayadoo Wasaraduna waxa ay ka taageri doontaa agabka Caafimaadka iyo sidii ay tayadooda u hubin laheed
Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Maxamuud ayaa bulshooyinka Deeqla iyo Mircoowleyd ku amaanay sida ay uga goβan tahay in ay bulshadu hesho xarumo caafimaad oo haqab tiri karta baahida caafimaad ee deegaanadaas ka jirta ka Wasaarad Caafimaad ahaana ay diyaar latahay xuquuqdii ay ku lahaayeen Bulshada Degaanadaas sheegayna in ay Wasaaraddu in ay u taagan tahay sidii loo baahin lahaa adeegyada Caafimaadka
—————-
ππππππππ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
ππππ’π§ππ¬π’π« ππ¨π« πππ₯ππ
Madaxa Xafiiska Teknologiyadda iyo Warbaahinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.
Email: communications@moh.gm.so