Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa Xarunta Dhexe we Wasaaradda ka Ka daah furey shirka dib ueegista sanadka dhamaanaya iyo mashaariicda caafimaadka ee ay ka wada shaqeeyaan Wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda UNICEF.

Shirka inta uu socday ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixino kala duwan oo la xiriira xaaladda guud ee caafimaadka Galmudug, Caqabadaha jira, si looga guul gaaro dhamaan qorshayaasha sanadkaan sii dhamaanaya ee 2024 iyo sanadaha soo socdaba.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Galmudug mudane Daahir Faarax Fiidow ayaa ku amaanay hey’ada UNICEF fulinta mashaariicda waxtarka u leh adeegyada Caafimaadka ee Galmudug ku bixineyso isagoo sidoo kale hoosta ka xariiqay sida ay Wasaarada Caafimaadka Galmudug uga go’antahay in la horumariyo adeegyada Caafimaadka ee Galmudug iyadoo la kaashanayo Hay’adaha Caalamiga ah ee la shaqeeya Wasaarada.

Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa bogaadiyey dadaalada horumarinta Caafimaadka iyo wadashaqeynta wanaagsan ee Hey’adda UNICEF la leedahay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug isagoo dul istaagay arimaha hortebinta u leh Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

—————-

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

𝐀𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐬𝐢𝐫 𝐍𝐨𝐫 𝐒𝐚𝐥𝐚𝐝

Madaxa Xafiiska Teknologiyadda iyo Warbaahinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.

Email: communications@moh.gm.so

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *