Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa soo xirey tababar la xiriira hooyada iyo dhalaanka.

Tababarkan oo muddo shan cishe ah uga socday magaalada Dhuusamareeb shaqaalaha caafimaadka qeybta hooyada iyo dhalaanka ayey u jeedadiisu eheed in sare loogu qaado aqoonta shaqaalaha iyo tayada adeega caafimaadka.

Munaasabada xiritaanka tababarka oo ay Agaasimaha ku wehliyeen madaxda barnaamijka hooyada iyo dhalaanka ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug, Madax ka socotey Hay’adda Caalamiga ah ee IOM iyo Lataliye Sare ee Wasaarada Caafimaadka Dowlada Federalka Somalia Dr Abdi Majid Said Siyad iyo Dr Adna Farah Abdi-Diaspora expert ayuu agaasimuhu kula dardaraamay shaqaalaha loo tababaray inay hooyada iyo dhalaanka u adeegaan, Agaasimaha ayaa ku booriyey shaqaalaha inay marwalba niyada ku hayaan masuuliyada culus ay xanbaarsanyihiin ee la xiriirta yareynta dhimashada hooyada iyo dhalaanka.

Agaasimaha ayaa si weyn ugu mahadceliey Hey’adda IOM gaar ahaan mashruuca MIDA FINNSOM oo Wasaarada ka taageertey tababarkan muhiimka ah.

Ugu danbeyn, Agaasimaha ayaa gudoonsiiyey shahaadooyin ay ku muteysteen ka qeybgalka iyo dhameestirashada tababarka Hooyada iyo Dhalaanka dhamaan shaqaalihii kasoo qeyb galay tababarkaan.

—————-

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

π€π›ππ’π§πšπ¬π’π« 𝐍𝐨𝐫 π’πšπ₯𝐚𝐝

Madaxa Xafiiska Teknologiyadda iyo Warbaahinta Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug.

Email: communications@moh.gm.so

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *