Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayaa maanta si rasmi ah ugu soo xirey Caasimadda Galmudug ee Dhuusamarreeb, Shirka lix biloodlaha ah ee iskuxirka Mashaariicda Caafimaadka Galmudug.

Madasha Xiritaanka shirka waxaa goob joog ka ahaa Wasiir Dowllaha , Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradd waxaana diirada lagu saaray adeeg bixinta Caafimaadka ee lixdii bilood ee lasoo dhaafay Caqabadaha jira iyo sidii loo buuxin lahaa baahiyaha caafimaad ee ka jira dhamaan degmooyinka iyo deegaanada kala duwan ee Galmudug.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay kudhawaad 20 Hay’adood oo ka shaqeeya adeegyada Caafimaadka, Nafaqaynta iyo Fayadhowrka kuwaas oo ka howlgala guud ahaan Galmudug.

Madasha shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigey macluumaadyo laga diyaariyey xarumaha Caafimaad ee ay maamulaan Dowladda iyo hey’adaha taageera arrimaha Caafimaadka Galmudug iyadoo lagu soo bandhigey macluumaad fara badan,halka aynu shaley joogney, halka aynu maanta joogno iyo halka aynu u socono si looga guul gaaro dhamaan qorshayaasha sanadkaan iyo sanadaha soo socdaba.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *