Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac oo ay wehliyaan Wasiir Dowlaha Wasaaradda mudane Daahir Faarax Fiidow Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo Gudoomiyaha Degmada Gadoon ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo loogu tala galay in loogu adeego hooyada iyo dhalaanka
Xaruntaan ayaa lagu soo kordhigey Isbitaalka Degmada Gadoon Waxaana si isku tashi ku dhistay Bulshada Degmada Gadoon Wasaaraduna waxa ay ka caawisay qalabeynta iyo shaqaaleysiinta xirfadlayaal caadimaad oo aqoontoodu sareyso.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa bulshada reer Gadoon ku amaanay sida ay uga goβan tahay in ay bulshadu hesho xarun caafimaad oo haqab tiri karta baahida caafimaad ee deegaanka ka Wasaarad Caafimaad ahaana ay diyaar katahay xuquuqdii ay ku lahaayeen Bulshada reer Gadoon sheegayna in ay Wasaaraddu mar dhow u soo magacaabi Madaxa Caafimaadka Degmada
Sidoo kale Wasiirka ayaa ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal dagaayey degmo-nimada Gadoon.