Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr.Cabdiwali Maxamad Axmad oo ay wehliyaan, agaasimaha waaxda caafimaadka guud, Abdullahi Warsame Abtidon, iyo Madaxa fayadhowr ka, nadaafadda iyo caafimaad ka deegaanka, Maxamed Abdullahi Haji, oo shir muhiim ah layeeshay madax kasocotay Hay’adda PAH.

Madaxdaan oo uu horkacayay Iskuxiraha Gargaarka Hay’adda PAH Mudane Xuseen Xassan ayna qeyb ka ahaayeen xubno kale oo ka socday Hay’adda PAH iyo WASH Cluster ka Galmudug ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug kula yeeshey kulan uu shir gudoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda.

Shirkaan oo ayay kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Xoojinta xiriirka wadashaqayn ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug, Hay’adda PAH iyo WASH cluster ka Galmudug.

Iskuxiraha Gargaarka Ha,adda PAH Xuseen Xassan ayaa Wasaaradda ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo haqabtiri lahaa baahiyaha fayadhowr ka, nadaafadda iyo Caafimaad deegaanka ee bulshada reer Galmudug asagoo sidoo kale ballan qaaday inay xoojin doonaan xiriirka wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adda PAH.

Madaxa WASH cluster ka Galmudug Cabdiribaax Maxamed, ayaa balan qaaday inuu wasaarada si dhow uga wada shaqeyn doonaan u qareemida baahiyaha laxariira fayadhowr ka, nadaafadda iyo caafimaadka deegaanka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr. Cabdiwali Maxamad Axmad ayaa bogaadiyay dadaalada ay Hay’adda PAH ugu jirto sidii bulshada looga caawin lahaa fayadhowr ka, nadaafadda iyo caafimaadka deegaanka, sida ay garab taagan tahay Galmudug.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusey sida ay muhiim u tahay in kor looqaado xoojinta xiriirka wada shaqeyn Hay’adda PAH, WASH Cluster ka iyo Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *