Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa tababar socday muddo 3 maalmood ah usoo xirtay kormeerayaasha mashruuca Marwo caafimaad.
Kormeerayaashan ayaa lagu tababaray shaashadda (Power BI) lagala socdo howlaha kala duwan ee ay qabtaan gabdhaha Marwo Caafimaad sida daawo bixinta, booqashada qoyska, uureyda, caruurta shanta sano ka yar, wacyigalinta iyo inay hooyada iyo dhallaanka ku xiraan xarumaha caafimaadka si loo siiyo adeeg caafimaad oo bilaash ah.
Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mahamed Ahmed oo tababarkaan soo xiray ayaa kormeerayaasha kula dardaarmay inay shaqadooda dardar galiyaan qaabkii hore ee ay u shaqeynayena waxka bedelaan maadaama loo diyaariyey tababar muhiim u ah shaqadooda kormeer ee joogtada ah.