Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr.Yaasin Cabdi Jaamac iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Dr.Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa maanta uga qayb galay Magaalada Mogadishu ee Caasimadda Dalka, Daahfurka Mashruuca Damal Caafimaad iyo Mashruuca Covid-19 Vaccine
Mashariicdan oo si adag looga soo shaqqeyay sidii lagu hirgelin lahaa ayaa waxaa si wada jir ah maanta u daahfuray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre iyo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Mudane Dr. Ali Haji Adam oo ay Wehelinayaan Wasiiro kasocday XFS, iyo Madax kasocotay xafiiska Bangiga Aduunka.
Munaasabadda waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro kasocday Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS. Xildhibaano iyo Sanataro kasocday baarlamaanka Soomaaliya, Agaasimayaal, Xubna sare oo ka socday Hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Soomaaliya, dhaqaatiir, Deeqbixiyayaasha Kaaba Caafimaadka Soomaaliya, xubno ka socday Guud ahaan bahda Caafimaadka.
Mashaariicdan ayaa loogu talagaley in looga faa’ideeyo bulsho weynta Soomaaliyeed si ay u helaan adeeg Caafimaad, Mashruuca Damal Caafimaad ayaa ah xoojinta Adeeg bixin ku saleysan Xirmooyinka Caafimaadka Aasaasiga ah, iyadoo Mashruuca Covid-19 uu diirada saari doono dib u dhiska iyo dayactirka Isbitaalo ku kalayaala Dhamaann Gobolada Dalka si loo xoojiyo kaabayaasha Adeega Caafimaadka