Ministry of Health Galmudug

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa soo qaban qaabisay tababar socondoono mudo 4 bari ayaa waxaa diirada lagu saaridonaa bixinta tababar la xariira maaraynta iyo midaynta xogta cudurka dilaaga ah ee HIV kaas oo loo qabanayo Shaqaalaha Kashaqeeyo Mashruucan oo ka kala yimid maamul Gobaleedyada dalka iyo Dawladda Federal-ka Soomaaliya.

Madaxa Mashruuca HIV-ga ee Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Somaaaaliya Dr Sadia Abdisamad Abdullahi oo munaasabada hadal kooban ka jeedisay ayaa sharaxaad ka bixisay muhiimada uu leeyahay tababarkaan iyo waxa uu xambaarsan yahay oo ay ugu horayso qaabkii loo midayn lahaa xogta kaydsan ee HIV-ga, Dr Sacdiya ayaa shaqaalaha ugu baaqday inay ka faa’idaystaan tababarkan lana yimaadaan dadaal dheeri ah hadii Alle idmo.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Abdiwali Mahamed Ahmed oo ka hadlay goobta ayaa ugu horeyn shaqaalaha loo qabanayo tababarkaan kusoo dhaweeyay caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamarreeb. Agaasimaha ayaa intaa kadib ka hadlay muhiimadda uu xambaarsan yahay tababarkaan la xariira maaraynta xogta bacdamaa ay xogtu tahay tiir kamid ah tiirarka ugu waaweyn ee la xariira go’aan qaadashada adeeg bixinta caafimaad ee Hay’adaha dowliga ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *