Wafdiga oo uu horkacayay Iskuduwaha Gargaarka Hay’adda CARE Mudane Salmaan ayna qeyb ka ahaayeen xubno sare oo ka socday Hay’adda CARE ayaa Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug kula yeeshey kulan uu shir gudoomiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda
Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Waxaa ka go’an Horumarinta Caafimaadka Galmudug iyo sidii bulsho waynta Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen adeeg Caafimaad oo tayo leh.
Iskuduwaha Gargaarka Ha,adda CARE ee Somalia Dr. Salman ayaa Wasaaradda ku amaanay dadaalka ay ugu jirto sidii loo haqabtiri lahaa baahiyaha Caafimaad ee bulshada reer Galmudug asagoo sidoo kale ballan qaaday inay xoojin doonaan xiriirka wadashaqeynta iyo iskaashiga Wasaarada Caafimaadka Galmudug iyo Hay’adda CARE.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa bogaadiyay Gargaarka ay Hay’adda CARE la garabtaagantahay Galmudug .
Agaasimaha ayaa sidoo kale xusey sida ay muhiim u tahay xoojinta xiriirka wada shaqeyn ee Hay’adda CARE la leedahay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug.