Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galudug Dr.Yaasiin Cabdi Jaamac oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaradda Dr.Cabdiwali Maxamed Axmad Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, gudoomiyaha Dagmada Guriceel,isku duwaha Caafimaadka Dagmada Guriceel iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeeray habsami u socodka Shaqada Isbitaalka Guud ee Degmada Guriceel

Wafdiga ayaa kormeeray dhamaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka sida qeybta silsiladda talaalka qaboojisa, qeybta talaal bixinta, qeybta bukaan socodka, farmashiyaha, sheybaarka iyo qeybta bukaan jiifka iyagoo qiimeyn ku sameeyay adeegyada uu isbitaalku bixiyo, bukaanada ku jira iyo xirfadlayaasha caafimaad ee ka howl gala.

Agaasimaha isbitaalka Dr Shucayb Xirsi Dhoore ayaa ka war bixiyey adeegyada uu isbitaalku bixiyo, cudurada ugu badan ee uu isbitaalku diiwaan galiyey bilihii lasoo dhaafay, caruurta nafaqa yarida la ildaran ee isbitaalka la keeno iyo adeegyada dheeriga ah ee uu isbitaalku u baahan yahay.

Ugu dambeyn Waasiirka Wasaaradda Caafimaafka Galmudug Dr.Yaasin Cabdi Jaamac ayaa Maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka ku bogaadiyey Shaqada quruxda badan ee Isbitaalka ka socota,kuna booriyey in lasii Laba jibaaro Adeeg bixinta tayeysan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *