Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Cabdiwali Maxamad Axmad ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray
Tababarka xog uruuriyaasha sahanka Xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Galgaduud
Tababarkaan ayaa waxaa bixiyey Saraakiil kasocotay Hay’adda Caafimaadka Aduunka WHO waxaana ka faa’ideystay 69 qofood oo ka kala yimid dhamaan Dagmooyinka Gobolka Galgaduud
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Cabdwali Maxamad Axmad oo tababarka si rasmi ah u soo xirey ayaa sharaxay Ujeedka tababarkaan iyo ahmiyada ay leeyihiin tababarada nuucaan ah, sidoo kale dadaalka ay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ku bixineyso sidii sare loogu qaadi lahaa xirfadda Shaqaalaha Caafimaadka ee dhamaan deegaanada Galmudug, Agaasimaha ayaa kula dardaarmay Shaqaalaha ka kala yimid xarumaha caafimaadka soo gudbinta xog caafimaad oo dhamaystiran.