Ministry of Health Galmudug

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa maanta daahfurtay tababar loo qabanaayo shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo xubno ka tirsan shaqaalaha Caafimaadka ee Dagmooyinka Galmudug.

Tababarkaan oo socon doona muddo 8 maalmood ah ayaa shaqaalaha lagu bari doonaa sida loo sameeyo qiimeynta xarumaha caafimaadka taas oo ay Wasaaradda Caafimaadku qorsheyneyso inay bilaawdo tababarku markuu dhamaado.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimahah Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Agaasime waaxeedyo, howl wadeena kale ee Wasaaradda, tababarayaal ka kala socday Dowladda Federaalka iyo Hay’adda caafimaadka adduunka ayaa soo xaadiray daahfurka tababarka.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa faahfaahin ka bixiyey tababarka iyo muhiimadda uu u leeyahay Shaqalaha nasiibka u yeeshay kuwaas oo laga doonaayo inay qiimeyn ku sameeyaan dhamaan xarumaha caafimaadka ee Galmudug asigoo kula dardaarmay inay ka run sheegaan shaqada loo idmaday sidookalena lagula xisaabtami doono.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Mudane Daahir Faarax Fiidow oo tababarka si toos ah u daahfuray ayaa sheegay in qiimeyntani muhiim u tahay sare u qaadista awoodda iyo bixinta adeega caafimaadka taas oo sare u qaadeysa bad qabta bulshada ku nool Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *