CAABUDWAAQ 18 MAY 2023
WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADA GALMUDUG OO LAWAREEGTAY ISBITAALKA MIDNIMO SI BULSHADA LOOGU ADEEGO
Munaasabadda lagu wareejinayey Isbitaalka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Hon Abdiwali Abdullahi Jama oo ay wehlinayaan Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane Abdi Mohamed Jaamac (Abdi waayeel )Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Galmudug Mudane Abdirahman Mohamed Dirie(Makaawi), iyo Xildhibaan Reysal Qorane Abshir Maamulka Degmada Caabudwaaq iyo Madaxda Hay’adda IRC
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr.Abdiweli Abdullahi Jama ayaa uga mahadceliyey Hay’adda IRC iyo Madaxdeeda taageerada ay la garab taaganyihiin Wasaaradda ee dhanka Adeeg bixinta Caafimaadka iyo Kaabayaashaba, Wasiirka ayaa sidoo kale xusey in maanta wixii kadanbeeya Isbitaalkaan si casri ah loo qalabeyn doono looguna adeegi doono dadka Degmada Cabudwaaq, ayna ka heli doonaan adeeg Caafimaad oo heerkiisu sareeyo.
Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa sidoo kale xusey in casriyeynta Isbitaalada iyo Xarumaha Caafimaadka ee Galmudug ay kamid tahay howlaha baaxada leh ay xooga saarayeen saddexdi sano ee lasoo dhaafay ayna halkeeda kasii wadi doonaan si sare loogu qaado Adeeg bixinta Caafimaadka ee Guud ahaan Galmudug.