
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed ayaa daahfuray Tababarka Shaqaalaha Caafimaadka Ee Baaritaanada Deg-dega ah Ee isku dhafan (Integrated Antigen Rabid Diagnostic Ag-RDT Training for Health workers) kaas oo socon doona muddo 2 maalmood ah, Loona qabanayo Shaqaale ka kala yimid dhamaan Xarumaha Caafimaadka Degmooyinka Galmudug.
Madaxa Sheeybaarka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr Adnan Mohamed Ali ayaa sharaxay Ujeedka tababarka iyo ahmiyada ay u leeyihiin tababarada nuucaan ah bulshada
Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr.Abdiwali Mohamed Ahmed oo tababarka si rasmi ah u furay ayaa u mahadceliyay howlwadeenada Wasaaradda Caafimaadka sidoo kale kula dardaarmay guud ahaan shaqaalaha inay ka faa’idaystaan tabarkaan si loo helo adeeg bixin caafimaad oo hufan.



