Ministry of Health Galmudug

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa qabatay shir warbixin looga dhageystay dhammaan waaxaha Wasaaradda si dib loogu eego waxyaabihii Wasaaradda u qabsoomay 2024 iyo caqabadihii jiray.

Howl wadeenada ayaa si faah-faahsan uga warbixiyey dhamaan guulihii waaweynaa ee sanadkaan laga gaaray dhanka bixinta iyo balaarinta adeegga caafimaad-ka, kordhinta iyo dayactirka Xarumaha Caafimaadka, sare u qaadista aqoonta iyo Xirfaddaha, Shaqaalaha Caafimaadka, hagaajinta nidaamyada xogaha Caafimaadka, qabashada kormeerada iyo Shirarka isku xirka Mashaariicda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo soo koobay qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka ayaa xusay in ay Wasaaraddu dadaalo badan sanadkaan ku bixisay sidii ay uga guul gaari laheyd waxyaabihii horutabinta u lahaa taas oo wax badan laga qabtay degaano iyo degmooyin cusub oo ay kamid yihiin kuwii sanadkaan la xoreeyayna adeeg Caafimaad la gaarsiiyay.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac oo shirka soo xiray ayaa xusay in Wasaaraddu sanadkaan guulo badan ka gaartay dhamaan qodobadii horutabinta u lahaa sanadka 2024.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa Shaqaalaaha kula dardaarmay in ay xiriirka xoojiyaan caqabadaha jirana xilli hore soo gudbiyaan si goโ€™aan looga gaaro.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *