Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa furay shirka Sanadlaha ah ee Guddiga Farsamada Nidaamka Maaraynta, Korjoogteynta & Qiimeynta Xogta Caafimaadka ee Galmudug

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa Mashruuca Damal Caafimaad, Agaasime waaxeedyada, madax Qeybeedyada, Howlwadeenada xogta cafimaadka Heer gobol iyo heer Degmo iyo Hayโ€™daha ka shaqeeya maareynta xogta Cafimaadka.

Ujeeda shirkan ayaa ah kor u qaadista iyo ka wada shaqeynta arimaha la xariira xogta caafimaadka ee Dowladda Galmudug.

Agaasimaha Adeegga Caafimaad-ka ahna Gudomiyaha Kooxda Farsamada Xogta Caafimaad-ka iyo dabagalka Dr. Cabdirisaaq Cabdullaahi Qaareey ayaa yiri โ€œWaxaa maanta farxad weyn noo ah in maanta noo furmo shur aad muhim noogu ah kaasoo lagu soo bandhigay xogtii la helay Sanadkii lasoo dhaafay, caqabadihii jiray iyo sida aan uga wada gudbi lahayn caqabadahaas innaga oo raacayna nidaamka ugu habboon ee maaraynta xogta Caafimaadka ee ay Wasaaraddu noo dejisayโ€.

Ugu dambeyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed oo munaasabadda si rasmi ah u furay ayaa bogaadiyay shaqada iyo dadaalka quruxda badan ee had iyo goor ay wadaan shaqaalaha ka shaqeeya Xogta Caafimaadka ee heer degmo iyo heer gobol asaga oo ugu dambeyn kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha dardar gelinta iyo joogtaynta Xog Caafimaad oo dhamaystiran

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *