
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Cali Yusuf Cali oo wehliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaarinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Alcadaala oo maalmahaan safar shaqo ku joogay Galmudug ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Md Dr Cabdiwali ayaa warbixin ka siiyay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Horumarada laga sameeyay adeegga caafimaadka Galmudug, gaar ahaan Degmooyinka deegaanada la xoreeyey ay Wasaaraddu gaarsiisay adeeg Caafimaad.






