Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Abdiweli oo ka dhagax-dhigay magaalada Caabudwaaq mashruuc balaaran oo lagu dhisayo isbitaal weyn ee Degmada Caabudwaaq.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiweli Cabdullaahi Jaamac, ayaa si rasmi ah uga dhagax-dhigay magaalada Caabudwaaq mashruuc balaaran oo lagu dhisayo isbitaalka weyn ee Degmada Caabudwaaq. Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxay si adag u wadaa dadaalo lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, iyadoo diiradda saaraysa Dhismayaasha isbitaalo cusub oo laga dhisaayo magaalooyinka Caabudwaaq, Guriceel, …

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo Xarunta Dhexe ee Wasaaradda ku soo dhaweeyey Wasiirka Arimaha Gudaha XFS

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Cali Yusuf Cali oo wehliyo Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Warfaarinta XFS Mudane Cabdiraxmaan Alcadaala oo maalmahaan safar shaqo ku joogay Galmudug ayaa booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug waxaana ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac Wasiirka Wasaaradda …

๐‡๐ˆ๐‘๐Š๐€ ๐’๐€๐๐€๐ƒ๐‹๐€๐‡๐€ ๐€๐‡ ๐„๐„ ๐†๐”๐ƒ๐ˆ๐†๐€ ๐…๐€๐‘๐’๐€๐Œ๐€๐ƒ๐€ ๐๐ˆ๐ƒ๐€๐€๐Œ๐Š๐€ ๐Œ๐€๐€๐‘๐„๐˜๐๐“๐€ ๐—๐Ž๐†๐“๐€ ๐†๐€๐‹๐Œ๐”๐ƒ๐”๐†

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa furay shirka Sanadlaha ah ee Guddiga Farsamada Nidaamka Maaraynta, Korjoogteynta & Qiimeynta Xogta Caafimaadka ee Galmudug Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxa Mashruuca Damal Caafimaad, Agaasime waaxeedyada, madax Qeybeedyada, Howlwadeenada xogta cafimaadka Heer gobol iyo heer Degmo iyo Hayโ€™daha …

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ฐ๐š๐๐š๐ญ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐›-๐ฎ-๐ž๐ž๐ ๐ข๐ฌ๐ญ๐š ๐ก๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐†๐š๐ฅ๐ฆ๐ฎ๐๐ฎ๐ 

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ayaa qabatay shir warbixin looga dhageystay dhammaan waaxaha Wasaaradda si dib loogu eego waxyaabihii Wasaaradda u qabsoomay 2024 iyo caqabadihii jiray. Howl wadeenada ayaa si faah-faahsan uga warbixiyey dhamaan guulihii waaweynaa ee sanadkaan laga gaaray dhanka bixinta iyo balaarinta adeegga caafimaad-ka, kordhinta iyo dayactirka Xarumaha Caafimaadka, sare u qaadista …