Ministry of Health Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa ayaa furey Shirka Saddex Biloodlaha ah ee Guddiga Farsamada Nidaamka Maaraynta, Korjoogteynta & Qiimeynta Xogta Caafimaadka ee Galmudug

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Agaasime waaxeedyada, madax Qeybeedyada, Howlwadeenada xogta cafimaadka Heer gobol iyo heer Degmo iyo Hay’daha ka shaqeeya maareynta xogta Cafimaadka.

Ujeeda shirkan ayaa ah kor u qaadista iyo ka wada shaqeynta arimaha la xariira xogta caafimaadka ee Dowladda Galmudug.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa bogaadiyay shaqada iyo dadaalka quruxda badan ee had iyo goor ay wadaan shaqaalaha ka shaqeeya Xogta Caafimaadka ee heer degmo iyo heer gobol asaga oo ugu dambeyn kula dardaarmay madaxda iyo shaqaalaha dardar gelinta iyo joogtaynta Xog Caafimaad oo dhamaystiran

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *