Ministry of Health Galmudug

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac,Wasiir Dowlaha Wasaaradda Mudane Daahir Faarax Fiidow iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa si diirran Xarunta Wasaaradda uguso dhaweeyay wakiilka hay’adda caafimaadka aduunka ee Soomaaliya Dr. Rene iyo madax kale oo safarka ku wehliyey.

Kulanka ayaa lagaga hadlay in la kordhiyo tageerada WHO ee Galmudug iyo sidii loo dardar galin lahaa in Adeegyo Caafimaad ay helaan dadka ku nool deegaanada la xoreeyay iyadoo howshaas ay ka wada shaqaynayaan Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug iyo hay’ada WHO.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa jeediyey waxyaabihii ay WHO ka taageertay Wasaaradda Caafimaadka iyo Caqabadaha wali taagan ee dhanka adeeg bixinta iyo xoojinta hanaanka Wasaaradda Caafimaadka. Agaasimaha ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan Degmooyin iyo Deegaano uu wali adeegga caafimaadku ku yar yahay oo ay ugu horeeyaan degmooyinkii dhawaan la xoreeyay ee Ceeldheer iyo Xarardheere.

La taliyaha Wasaaradda Caafimaadka mudane Cumar Cabdi ayaa jeediyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray qaab dhismeedka Wasaaradda iyo hanaanka Caafimaadka asigoo xusay in hanaanka Wasaaradda dib u habeyn weyn lagu sameeyey shaqaalahana tababaro loo sameeyey taas oo suurta galisay hufnaanta shaqo, baahinta iyo dardar gelinta adeegga caafimaadka.

Wakiilka WHO ee Soomaaliya Dr. Rene ayaa Wasaaradda Caafimaadka Galmudug uga mahadcelisay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay iyada iyo wafdiga kale ee safarka ku wehliya. Dr. Rene ayaa sheegtay in ay dadaalada Wasaaradda Caafimaadka iyo caawinaadda hay’adaha caalamiga ah suurta galiyeen in xaaladaha caafimaad ee deg degga ah sii yaraanayaan taas oo suurta galineysa xoojonta hanaanka caafimaadka si loogu gudbo xal caafimaad ee waara. Wakiilka WHO ayaa qirtay ka go’naasheheeda bixinta iyo u qaareemidda helitaanka adeeg caafimaad oo dhameystiran.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa uga mahadceliyey hay’adda caafimaadka wadashaqeynta soo jireenka ah iyo ka taageeridda wasaaradda bixinta adeeg caafimaad oo hufan. Wasiirka ayaa xusay horumaradii ay wasaaraddu sameysay iyadoo taageero ka heleysa hay’adaha caalamiga ah oo ay WHO kamid tahay iyo kuwa maxaliga ah.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Galmudug waxaa ka go’an islamarkaana diradda u saaran kor u qaadida iyo dardargelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo Caafimaadka Galmudug

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *