
Kulan uu shir gudoomiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac ayna qeyb ka ahaayeen Wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Beeraha ayay shir muhiim ah kula yeesheen Wafdi uu horkacayey ku xigeenka Madaxa Xafiiska Hayβadda UN-OCHA Soomaaliya Mr RenΓ© Nijenhuis iyo Xubno sare oo ka socday Hayβadda.
Shirkaan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Galmudug waxaana kasoo qeeybgalay Wasaradaha, Waxbarashada, Biyaha, Deegaanka, Beeraha iyo Gudiga Barakacayaasha Galmudug
Kulankan oo muddo saacado ah qaatay ayay kaga wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin Gargaarka, Xasilinta, Waxbarashada,Caafimaadka iyo Xoojinta xiriirka wadashaqayn ee Wasaaradaha Galmudug
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jamaac ayaa bogaadiyey dadaalada iyo wada shaqeynta wanaagsan ee Heyβadda UNOCHA la leedahay Wasaaraddaha Galmudug, isagoo sidoo kale uga mahadceliyey wafdiga booqashadooda Dhusomareb,




